4 ruux oo lagu tuhmayo dilka taliyaha ciidanka booliska somalia oo gacanta lagu soo dhigey

Wararka naga soo garaya magaalada Muqdisho
ayaa waxaay tibaxayaan in geeridi taliyaha
Ciidamada Booliska ay ka danbaysay Cirbad lagu
duray taas oo la sheegay in hargab loga
dawaynayay.
Kadib marki Taliyaha Ciidanka Cirbadaas lagu
doray ayaa waxa soo wajahay xaalad adag
ayado ugu danbeyn saacad ka dib uu u dhintay.
Ciidamada Amanka aya soo qabtay 4 qof oo
lagu tuhmayo in ay dilka taliyaha ka danbeyeen
waxaana maalinta bari ah maydka taliyaha lo
dulinaya magaaalada Nairobi si lo soo baro.
Xubnaha la hayo ama la soo xiray waxaa ka mid
ah Dhatarki Cirbada ku muday Taliyaha iyo 3
Xubnood oo kale
Cafimaadka Taliyaha Ciidanka ayaa saka aad u
wanagsana waxaana uu ka qayb qadanayay
Howlgalo kala duwan oo muqdisho ka socday.
Raisalwasaare Abdiweli ayaa gudi wasiiro u saray
baritaanka dilka masulkaan waxaana lagu wada
in uu arinkaani ka hadlo maalinta bari ah.

shaki soo kala dhex galey madaxda dowlada kadib geerida taliyaha ciidanka booliska

Wararka naga soo gaaraya Aqalka madaxtooyada
Somalia, ayaa sheegaya in Geerida Taliyaha
Ciidamada Boliska soomaaliyeed Gen, Maxamed
Sheikh Xasan Cismaaciil uu ka dhashay kala
shaki soo dhex galay Madaxda Dowlada.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne
Xassan sheekh uu amar ku bixiyay in baaritaano
adag lagu sameeyo Geerida Taliyaha, kadib markii
Ra’isulwasaare C/weli uu Siyaasadeeyay Geerida.
Geerida Taliyaha ayaa waxa ay imaaneysaa xili
uu Khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay
Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli,
iyadoo khilaafka uu qeyb ka ahaa xilka loo dhiibay
taliyaha Boliska S/G Maxamed Sheekh Xasan
Ismaaciil oo ahaa mid xiligaasi aan lagala tashan
Madaxweynaha.
Sidoo kale, Geerida taliyaha Boliska S/G
Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa lala
xiriirinayaa inay ka qeyb qaateen Mas’uuliyiin ka
tirsan DF Somalia, sida laga aaminsan yahay
Xafiiska Ra’isulwasaaraha.
Jen. Maxa’ed Sheekh Xasan, ayaa isagoo
Xanuunsan la geeyay Isbitaalka, markii Saacado
yar uu ku jirayna waxaa la sheegay inuu
geeriyooday oo tiisa ay dhamaatay, balse taasi
Shaki ayay ka muujiyeen Hay’adaha Sirdoonka
DFS.
Dhanka kale, dadka ayaa waxa ay is weydiinayaa
waxa Geerida Taliyaha kusoo beegay xili uu
khilaaf ka dhex taagan yahay Xassan iyo C/weli
kaasi oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay
Magacaabista Taliyaha Boliska ee iminka
geeriyooday

akhriso: lix sabab oo xasan sheekh ugu dhegan yahay farax c/qaadir

Is badal kasta oo dunida ka dhaca, Maamul kasta
oo cusub, waxaa la socda koox maslaxad doon
ah, waxaa jira shakhsiyaad ka faa’ida, kooxdani
waxa ay u dagaalamaan jiritaankooda, tilaabo
kasta waa inay ka dhex arkaan hor u mar kooda,
arintan oo laga yaabo in ay dib u dhac u keento
maamulkaas ama ka leexiso wadada saxda ah!!
Waxaa jira ciidamo Militari oo dalalka qaar si
dadban u xukuma, dad fakirkooda dalal lagu
dhaqo, hay’ado dhaqaale oo dunida maamula,
hay’ado wax Controla sida International Crisis
Group, Monitoring Group iyo shakhsiyaad ka
awood badan maamulka!!
Maestro Faarax Sheekh Cabdi qadir, waa
astaanta Villa Somalia, dadka qaar waxay
sheegaan inuu yahay nin Maslaxad, halka koox
kale ay ku doodayaan inuu yahay maskaxda
Xasan sheekh, koox sadexaad ayaa qabta inuu
lahaa mashruuxa lixda tiir, koox afaraad ayaa ku
dhaaranaya in lacagtii doorashadii Faarax
madaxiisa lagu helay, koox shanaad ayaa ku leh
sheekada waa AMA iyo Urur diimeed…..Lakin
xaqiiqda jirta waa Faarax in uu yahay astaanta
Villa Somalia!!
Maestro Faarax Sheekh waxaa uu marayaa xili
xun, dowlada ayaa dartii u kala qeybsan, Ra’isul
Wasaaraha waa ka soo booday, dad badan ayaa
shaqo ka dhigtay xantiisa, qeyb ayaa ku heysa
Character assassination, Lakin sida xaqiiqda ah
nacas cadaw ma yeesho!!
Lix Sabab uu Xasan Sheekh ugu dhegan yahay
Maestro Faarax Sheekh Cabdiqadir!!
1. Xasan Sheekh: Xasan ma doonayo in ay ku
dhacdo sheekadii sadexda dibi, Faarax waa
fursadiisa ugu dambeysay ee Xasan Sheekh ku sii
ahaan karo Madaxweyne ilaa 2016-ka!!
2. Is faham: Labada nin waxaa dhex martay is
faham adag, Xasan Sheekh u ma reeban Faarax
Cabdiqadir Jaceyl gaar ah, ee ninka hore(Xasan)
ayaa ka maarmi la’ ninka dambe(Faarax)!!
3. Xukunka: Taariikhda siyaasadda, waxaa jira
shakhsiyaad ka xoog badan Madaxweynaha
sababo badan awgeed, shakhsiyaadkaas si aan
toos aheyn ayey u maamulaan dalka, waxaa dhici
karta in Maestro Faarax ceyn kaa yahay!!
4. Maestro: Faarax waa aabaha iyo hindisaha
mashruuca Lixda tiir, tani ma aha in Xasan
Sheekh aanu mashruucan shaqo ku laheyn waayo
waa ninka fulinaya!!
5. Xiriirka Gobolka: Xiriirka Soomaaliya ay
caalamka la leedahay waxaa uu ka bilowdaa
wadamada darsika, Maestro Faarax waxaa uu
xiriir soke la yeeshay wadamada darska, gaar
madaxda Soomaalida ku nool dhulalkaas
Soomaali Itoobiya iyo Soomaali Kenya!!
6. Sheekadu waa Wasaaradda: Si Xasan Sheekh
wax qabad u sheegto 2016-da, waa in ay gacanta
ugu jiraan wasaaradaha Ziyaadiga ah ama
Wasaaradda ugu shaqada badan dowlada ugu na
muhiim san, Wasaaradahaas waxaa ka mid ah
Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Faarax na
waa shakhsigii uu Xasan Sheekh u baahnaa!!

war deg-deg ah : taliyihii ciidanka booliska somalia oo geeriyoodey

Taliyihii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal
Maxamed Shiekh Xasan Ismaaciil, ayaa
goordhaweyd ku geeriyooday magaalada
Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Sida wararka ay sheegayaan taliyaha ayaa wuxuu
u geeriyooday xanuun hayay muddooyinkaan
dambe oo uu la jiifay, sida Saraakiil Booliiska
Soomaaliya ka tirsan ay u xaqiijiyeen Idaacada
Radio Muqdisho.
Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ee geerida
Taliyaha xaqiijiyay ma aysan bixin faah-faahin
badan oo ku aadan geerida Taliyihii ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed oo goordhaweyd
Magaalada Muqdisho ku geeriyooday.
Taliyihii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa
xilkaan loo magacaabay 9-kii Bishii July ee
sanadkaan.

ciidamada dowlada oo baydhabo jirdil ugu geystey wariye

Hilaal Shiikh Saacid Agaasimaha Radio Warsan ee
Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta dalka
somaliya in Ciidamadu ay Muddo dheer Jir dil
uusan Sababtiisa Aqoon u geysanayeen, sidoo
kale waxaa uu sheegay in Marka ay qabanayeen
uu kasoo Baxayay Gurigiisa.
Markii dambe ee ay soo deynayeen ayuu sheegay
Agaasimuhu in ay ugu Cudur daarteen in ay u
Maleynayeen in uu Sawirro ka qaadayay dadka
isu soo Baxa ay ugasoo Horjeedaan Maamulka ay
dowladdu dhabarka ka Riixeyso ee Sedaxda Gobol
ka Kooban, sidaa darteedna ay u Xireen.
Hilaal waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda
Farahiisa qaar ay Jajabanyihiin, kuwaa oo ay
Ciidamadu kala Dhaceen, Qoryaha ay heystaan,
sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in aysan
Ciidamadu u sheegin wax kale oo Sabab looga
dhigi karo Jir dilka iyo waqtiga dheer ee gaaray
11 saac uu ugu Xirnaa meel ay Geeyeen.

sarkaal dilaa ah oo ka tirsan ururka al shabaab oo lagu diley tuulada biyooley ee g.bakool

Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab oo sida la
sheegay dad badani ku dilay Gobolka Bakool,
ayaa waxaa xalay lagu dilay weerar qorsheysan
oo ka dhacay deegaanka Biyooley ee Gobolka
Bakool.
Biyooley waxay qiyaastii 20km u jirtaa Degmada
Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, taa oo muddo
saddex bilood laga jooggo lagala wareegay Ururka
Al Shabaab, oo ka arriminaayay muddo lix sano
ah.
Taliyaha Ciidanka Xooga ee Gobolka Bakool
Korneyl C/raxmaan Maxamed Cismaan
(Timacade), ayaa Sarkaalka la dilay waxa uu
magaciisa ku soo koobay Wardheere, magacaas
oo sida uu sheegay uu caan ku ahaa. Wuxuuna
ku eedeeyay in dad badani uu ku gowracay
Gobolka Bakool, halka kuwo kalana uu ku
dhibaateeyay.
Taliyaha waxa uu intaa ku daray in dadka uu
dilay Sarkaalkaan uu ka mid ahaa Allaha u
naxariistee Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame,
oo 19-kii bishii Maarso (2013) lagu gowracay
Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,
markii xilli habeen ah lagala baxay hoygiisii.
Sheekha, ayaa caan ka ahaa Gobolka Bakool,
iyadoo Tafsiirka Qur’aanka Kariimka uu ka jeedin
jiray Masjid Jaamaca Xudur, waxaana si xoogan
loo cambaareeyay falkii lagu gowracay.
Korneyl Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo
ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga ee Gobolada
Koonfur Galbeed, ayaa Ciidanka Xooga ku
ammaanay hawlgalkii ay xalay ku qaarajiyeen
ninka ka tirsan Shabaabka.
Arbacadii, ayay ahayd markii Amiir ka tirsanaa
Shabaabka oo lagu magacaabi jiray Xasan Faqi,
lagu dilay tuulada Iri oo ka tirsan deegaanka
Sabca Jaziira ee duleedka Degmada Mahadaay ee
Gobolka Shabeellaha Dhexe.

jawaari&faarax&c/weli oo shir wada yeeshey

Mid kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada
Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Kullan aan caadi
aheyn uu goor dhow Garoonka diyaarada Aadan
Cadde ku dhexmaray Ra’isulwasaaraha
Xukuumada Somalia C/weli sheekh axmed,
Gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo Faarax
C/qaadir.
Wasiirka ayaa waxa uu inoo sheegay in kullanka
uu ahaa mid Gudoomiyaha baarlamaanka uu ku
dhex dhexaadinaayay Ra’isulwasaare C/weli iyo
Wasiir faarax c/qaadir, waxaana la tilmaamayaa
in shirkaasi uu ahaa mid socday Laba saac oo
xiriir ah.
Kullanka ayaa waxa uu ka dhashay sagootin ay
Seddexdaasi Mas’uul u sameynayeen
Madaxweyne Xassan oo ka dhoofaayay Garoonka
Aadan Cadde.
Sidoo kale, Seddexda Mas’uul ayaa lasoo
sheegayaa inay isku fahmi wayeen qodobada uu
Khilaafka ka dhashay, kadib markii RW C/weli iyo
Faarax c/qaadir Cuskadeen qodobo ka fog
heshiiska labada mas’uul.
Kullanka oo socday Labasaac iyadoo aan xal laga
gaarin ayaa waxa uu Ra’isulwasaare C/weli
codsaday in wada-hadalka lagu dhameeyo
Xarunta madaxtooyada maadama aysan
munaasab aheyn goobta uu kullanka ka dhacay
oo aheyd hoolka garoonka.
Kullanka ayaa waxaa hadda lagu dhameystirayaa
Villa somalia waxaana la soo sheegayaa in labada
Mas’uul ay isku mari la yihiin kullanka, iyadoona
uu Jawari ku dhex wareeray xalinta labada
Mas’uul.
Dhanka kale, Wax natiijo ah kama soo bixin
kulanka waxa ayna labada Mas’uul ku
andacoonayaan in midba midka kale uu il gaar ah
ku hayo.
La soco wixii kusoo kordha wararkeena danbe

amiirka al shabaab oo la ogaadey inuu ka tirsan yahay koox aan la filaneyn

Geeridii hogaankii Al-shabaab Axmed Cabdi
Godane ka dib Al-shabaab waxay ka dhaxleen is
qab qabsi iyo muran hareeyay hogaanka cusub ee
Shabaab dhexdooda,waxaana haatan sii kordhaya
khilaadka u dhaxeeya Saraakiisha Al-shabaab iyo
hogaanka Al-shabaab.
Axmed Diiriye geeridii Godane kadib loo
magacaabey amiirka cusub ee Al Shabaab ayaa
horay Shabaab u qaabilsanaan jiray Gobolada Bay
iyo Bakool, sidoo kalana ahaa ku xigeenkii
Godane.
Axmed Diiriye ayaa kadib markii mas’uuliyadaan
loo magacaabay waxaa uu ku xigeen u
magacawday Mahad Karatey oo ah sarkaal
katirsan saraakiishii sida aadka ah ugu dhawaa
hogaankii hore ee Al-shabaab, waxaana jiray
tuhmo ah in Karatey uu kadambeeyay dilkii
Axmed Godane kaa oo hadal heyntiisu ay noqotay
mid si weyn looga hadal hayay gudaha kooxda
Al-shabaab,inkastoo markii dambe iska yaraatay.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa dhexdooda isugu
tuhmaya dilka Axmed Cabdi Godane ,waxaana si
gaar ah kooxda ugu tuhmayaan falkaasi Mahad
Karatey,kaasi oo markii danbe iska fogeeyay.
Axmed Diiriye ayaa markii loo magacaabay xilkii
hogaanka Al-shabaab waxaa uu kulamo deg deg
ah laqaatay madaxda ciidamada qeybahooda kala
duwan gaar ahaan kuwa Jabhadaha oo uu ku
magacaawnaa Guure, oo ka tirsanaan jiray
saraakiishii Xisbul Islaam ee ku biiray Al-
shabaab, ahaana mas’uul ka qeyb qaatay dilkii
culimadii lagu laayay magaalada Baraawe, sidoo
kale waxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii kaalin fir
fircoon ka qaatay dilkii Abuu Mansuur Al-amriki,
iyo raggii lala dilay.
Tan iyo geeridii Axmed Godane ayaa Kooxda
waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay dib u
habeyn isugu sameyn lahaayeen,waxaana wali
socda qaabka hogaanka cusub iyo Al-shabaab
isugu howlgali lahaayeen, waxaana jira warar
sheegaya in hogaamiyaha cusub xaaladu ku
xuntahay isla markaana uusan aheyn mid awood
u leh isku wadka iyo dib u mideynta kooxda,
ayadoo dhanka kale ay jiraan saraakiil mucaarid
ku ah hogaanka cusub oo iyagu howsha si madax
banaan u fuliya.