taariikh nololeedkii marxuum dr abdalla deerow isxaaq

cabdalla-deerow1arxuum Cabdalla Deerow wuxuu
sanadkii 1950 ku dhashay Tuulada
Ceelgaras ee gobolka Bakool wuxuuna
waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka ku
bilaabay isla Tuulada Ceelgaras oo u
dhaxaysa degmada Tijeeglow iyo
magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Marxuumka ayaa waxbarashadiisa
aasaasiga wuxuu ku soo qaatay
magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo,
wuxuuna markii uu dhamaystay noqday
macalin PP (Primary Programme
Teacher), wuxuuna markii danbe uu ku
guulaystay imtixaanki loo geli jiray
Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee
Lafoole ( Lafole College of Education) oo
uu waxbarasho ka billaabay wuxuuna ku
takhasusay English (Major/History
(Minor).
Markii uu ka qalinjebiyay Lafoole bishii
December 1979 ayaa waxaa loo diray
degmada Xudur wuxuuna noqday
maamulaha Dugisga Sare ee Xudur intii
u dhaxaysay 1981-1990.
Ka dib markii la riday xukuumadii uu
madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad
Barre wuxuu Cabdalla Deerow ku biiray
ururkii SDM (Somali Democratic
Movement).
Cabdala Deerow wuxuu door lama
ilawaan ah ka qaatay u gargaaridda
dadkii ay ku habsadeen masiibooyinkii
uu beni’aadamku abuuray ee sababay in
ay macluul u geeriyoodaan maalin kasta
boqolaal ka mid ah dadkii ku dhaqnaa
gobolada Baay iyo Bakool wuxuuna
Cabdala Deerow ka hawlgalayay
xaruumaha quudinta magaalada
Baydhabo iyo nawaaxigeeda asagoo la
shaqaynayay ururka samafalka ee
magaciisa loo soo gaabiyo CRS (Catholic
Relief Services).
Marxuum Cabdalla Deerow wuxuu ka
mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee
joogay Baydhabo 17/09/1995 markii uu
Maxamed Faarax Caydiid uu xoog iyo
faramaroorsi ku qabsaday magaalada
Baydhabo uuna afgembiyey maamul
goboleedkii ugu horeeyey ee ay
samaystaan qowmiyada DM wuxuuna
Cabdalla Deerow ka mid noqday ragii
abaabulay kacadoonka lagaga hor yimid
Caydiid wuxuuna ka mid ahaa
aasasayaashii ururkii RRA oo dhidibada
loo aasay Oktoobar 13, 1995.
Cabdalla Deerow wuxuu halgankiisii ka
sii watay halkaas wuxuuna ka dhex
muuqday muuqaallada cajalad muuqaal
ah (video) tii ugu horraysay ee laga soo
duubay dagaalyahaniinta RRA oo
06/06/1999 gacanta ku dhigay Baydhabo
wuxuuna noqday Xoghayihii Guud ee
RRA.
15/05/2000 waxaa uu hogaaminayay
ergadii ee uu maamulkii RRA u dirsaday
shirkii Carta, Jabuuti wuxuuna shirka
Carta ka noqday shir gudoomiyaashii
ergadii ka soo gaybgalay shirka oo
Soomaalida lagu heshiisiinayay waxaana
20/ 08/2000 ka dib doorasho socotay afar
(4) saac Caabdalla Deerow uu ku
guulaystay jagada GUDDOOMIYAHA
GOLAHA SHACABKA ee KMG waxaana
21/08/2000 loo dhaariyay Cabdalla
Deerow Guddoomiyaha GOLAHA
SHACABKA ee dawladii Carta.
10/09/2000 ayaa wafdi uu hogaaminyay
Cabdala Deerow waxay ka duuleen
Madaarka caalamiga ah ee Jabuuti iyaga
oo ku sii jeeda wadanka NIGERIA oo ay
kaga qaybgaleen shirka Baarlamaanada
Afrika.
Sanadkii 2002 Cabdala Deerow wuxuu
hogaaminayay ergadigii dawlada TNG
(Transitional National Government)
wuxuuna intii uu shirkan socday uu aad
ugu ololeeyay in ay lama huraan tahay
in dalka Soomaaliya lagu maamulo
hannaanka federaalka si loo helo qaab
ku ay nabad iyo wada noolaansho ku
helaan bulshada Soomaalida wuxuuna
ka mid ahaa 24-tii hogaamiye ee
saxiixay heshiiskii xabad joojinta iyo
dhisidda dowlada federaalka.
Bishii September 2004 Cabdalla Deerow
wuxuu ka mid ahaa murashixiintii loo
baratansiiyay jagada Gudoomiyaha
Baarlamaanka ee dawlada federaalka ee
uu ku guulaystay Shariif Xasan Sheekh
Aadan, wuxuuna Cabdala Deerow shirkii
dib u heshiisiinta Soomaalida ee muddo
labo sano ah ka socday dalka Kenya
dawladii ka dhalatay Golihii Wasiirada
lagu soo dhisay loogu magacaabay
Wasiirkii Dastuurka & Arrimaha
Federaalka wuxuuna xilkan hayay ilaa la
dilay.
Marxuum Cabdala Deerow wuxuu ahaa
nin bulsho oo bashaash ah oo dadka aad
u ixtiraama runtana aan ka gaban oo
marna aan ka baqin in uu si bareer ah
oo saraaxad leh ugu cadeeyo
mowqifkiisa siyaasadeed siiba
masaaliixda siyaasadeed ee qowmiyaada
Digil iyo Mirifle warbaahinta iyo
siyaasiyiinta ay jaalka ahaayeen taasoo
aakhirkii u horseeday in loo maleego
shirqoollkii lagu dilay.
Marxuum Cabdala Deeow wuxuu ifka
kaga tagay 7 caruur ah iyo laba xaas.cabdalla-deerow1

One thought on “taariikh nololeedkii marxuum dr abdalla deerow isxaaq

Leave a comment