taariikhda kol xasan shaati gaduud

shati-gadudXasan Maxamed Nuur, oo
saaxiibadiis iyo dadkii la soo shaqeeyey aay si
kalgacal xambaarsan ugu yaqaaneen Xasanoow
Manuur.
Wuxuu Xarunta Peace Building Intiative/Peace &
Development Research ka qaatay Abaalmarin
Halyeeynimo (Hero Award) kulankoodii
sannadlaha ee lagu qabtay London, UK February
4, 2012. Wuxuu ahaa hogaanka Ciidanka Wax-
iska-caabinta Reewin (Reewin Resistance Army
(RRA)) iyo sarkaal awood leh ee Nabadsugiddii
Qaranka (NSS). Shaarguduud wxuu ku dhashay
Baydhabo wuxuuna shahaado dhinaca milatariga
ah oo uu ku takhasusay isgaarsiinta ka qaatay
Akadeemiyadda Milatariga Modena ee Talyaaniga
1969. Wuxuu sidoo kale tababar dhinaca
sirdoonka milatariga ku sameeyey Qaahira,
Masar, Rooma, Talyaaniga, Barliin, Jarmalka Bari
iyo Moosko, Midowga Soofiyeetiga 1980yadii.
1978 wuxuu ka qaatay shahaaddo sharciga ah
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Shaatiguduud wuxuu ka soo noqday taliye gobol
ee NSS-ta Jubbada Hoose 1972-1975 iyo
Waqooyi Galbeed, 1980-1982; muddadan, wuxuu
sidoo kale ahaa madaxa Maxkamadda
Badbaadada Hargeysa.
1977-1980, wuxuu ahaa qaadiga guddoominayey
Maxkamadda Badbaadada Muqdishu.
Shaarguduud wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka
Gedo 1982-1984 ilaa aay ka dhacdo dowladdii
Maxamed Siyaad Barre, wuxuu soo qabtay dhowr
jago oo kala duwan oo nabadsugidda ah, oo aay
ku jirto kaaliya Madaxweynaha Barre.
Muddadii dagaalada sookeeye aay socdeen,
Shaargaduud wuxuu si firfircoon ugu howlanaa
dib-u-hishiisiinta. Shirkii Jabuuti ee Juun-July,
1991 ka dib, waxaa lagu daray Dowladdii ugu
horeysay ee ku-meelgaarka ahayd Wasiirka
Arrimaha Gudaha ahaan. 1994, wuxuu noqday
xubin ka tiran Golaha Sare ee Xukuumadda Digil-
Mirifle ( Digil-Mirifle Supreme Governing
Council (DMSGC)) .
Shaarguduud waxay muhimaddiisa siyaasadeed
soo baxday markii la sameeyey RRA 1995, taasoo
aay wada aasaaseen Malaaq Mukhtaar Malaaq
Xasan iyo koox madax ah. Jhaffey, oo ah
galbeedka Baydhabo oo ah meesha lagu
aasaasaay RRA 13ka Oktoobar, 1995, ayaa
Shaarguduud loogu doortay guddoomiyaha iyo
hogaamiyaha dhaqdhaqaaqan kacdoonka ah, oo
ah dhaqdhaqaaq habeysan oo milatari kii ugu
horeeyey taariikhda casriga ah ee dadka Digil-
Mirifle.
Dhalashadii RRA waxaa keenay duulaankii
maleeshiyadii Mohamed Farah Aydiid aay
Baydhabo ku qaadeen 17 kii Sitembar, 1995,
kaasoo afgambiyey dowladdii ugu horeysay ee
Digil-Mirifle, Riverine State ee la sameeyey March
1995 taasoo ahayd Ismaamul Dowlad Goboleed
oo Digil-Mirifle ah, oo leh laba aqal, Aqalka
Wakiilada iyo Aqalka Odayaasha. Waxay ahayd
Dowlad Ismaamul Goboleed tii ugu horeysay ee
koofurta Soomaaliya laga sameeyo burburkii
dowladdii Barre ka dib. Waxaa hoos imaanayey
gobolada soo socda: Bay, Bakool, Gedo, Jubbada
Dhexe, Jubbada Hoose, Shabellada Hoose iyo
Banaadir. Xasan Sheekh, oo loo yaqaano Dr.
Xaseey ayaa ahaa Madaxweynaha dowladda.
Shaarguduud howshiisa ugu weyn waxay ahayd in
uu soo ururiyo, tababaro, oo uu hubeeyo dhaliyaro
rag iyo dumar leh oo Digil-Mirifle ah. Horaantii
1996, wuxuu weeraro lagu guuleystay ku qaaday
meelaha muhiimka ah ee uu heystay Aydiid.
Muddadii lagu jiray Shirkii Dib-u-hishiisiinta iyo
Nabadda ee Sodere 1997, Shaatiguduud wuxuu ku
adkeystay in RRA aaysan la gorgortami doonin
kuwa qabsaday dhulka Digil-Mirifle, “Wixii xoog
lagu qabsado xoog kaliya ayaa lagu soo
ceshanayaa.” 1998 intuusan dhamaan, RRA
waxay xoreysay Bakool, Bay, qeybo ka mid ah
Gedo iyo Shabeelle.
Shirkii Dib-u-heshiisiinta Carta ee May-August,
2000 dartii, howlihii milatari ee RRA si ku
meelgaar ah ayaa loo hakiyey iyadoo la
rajeynayey TNG in aay keento nabad baahsan.
Laakiin, markii TNG-dii Abdulqasim Salad aay
fashilantay, RRA halkii ayeey ka sii waday
dhaqdhaqaaqeeda Xasan Maxamed Nuur
Shaarguduud-na wuxuu sameeyey Dowlad la
yiraahdo Koofur-Galbeed Soomaaliya 27ka
Nufeembar, 2002, isagaana Madaxweyne ka
noqday.
Xasanow Manuur “Shaarguduud” waxaan ahayn
saaxiibo run ah in ka badan 40 sannadood.
Sababo caafimaad dartood ayuu u imaan kari
waayey shirka nabadda ee aan qabanqaabiyey ee
lagu qabtay London sannadkii la soo dhaafay.
Isagoo ku jira cisbitaalka ayaan la hadlay waqti
dhow. Inteenii noloshooda uu saameynta ku
yeeshay Xasanoow Manuur, aan xusuustiisa
nooleyno, oo aan inta karaankeena ah u
dabaaldegno noloshiisa; nolol wax qiimo leh lagu
bixiyey ayeey ahayd. Halganka Waa-socdaashati-gadud

One thought on “taariikhda kol xasan shaati gaduud

Leave a comment